FINFO
Talefaanka Finfo 0207 40 11 60 oo qaabilsan wadanka oo dhan, waxuu u adeegaa dadka Finland Yurub banaankeeda uuga soo guuraan, adeegaa oo lagu bixiyo luqado kala duwan
sida hoos lagu faafaahinayo
-Af ruush Talaadadii ilaa Jimcaha 12-16
-Af soomaali Isniintii 12-16 iyo Taladadii 9-12
-Af ingiriisi iyo finnish wakhtiyada oo dhan
-Luqadaha kale turjumaan (taleefanka)ayeeynu u qaban
Lambarka Finfo waxaa laga soo wici karaa wadanka oo dhan, qiimihiisa waa qiimaha taleefanka oo caadiga ah.
FINFO adeega la taliska
Adeega FINFO waxaa loogu talagalay qof walba oo Finland u soo guuray, iyo dadka la shaqeeyaan dadka wadanka u soo guuray sida macalimiinta, shaqaalaha ku takhasuseen caafimaadka iyo kuwa dadka ajnabiga la taliyaan. Sida bogan oo kale, luqada koobaad een isticmaalno waa ingriis laakiin talada waxaan ku bixinaa macal luqadahan marka nala soo waco ama email naloo soo diro: Af ruush, af jainiis, af soomaali iyo af finnish.








